Hoggaamiyaha Al-Shabaab oo ku baaqay Weeraro laga fuliyo Jabuuti

Muqdisho (Aftahannews) – Ururka Al-shabaab ayaa ku baaqay hawlgallo ka dhan ah danaha Faransiiska iyo Mareykanka ee Jabuuti ka hor doorashooyinka madaxweynenimo ee dalkaas ka dhacaya 9 Abriil 2021.

Hadalkan waxaa sheegay hoggaamiyaha kooxda Al-shabaab Axmed Cali Diiriye Abuu Cubayda oo jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlayay kaalinta Jabuuti kaga jirto dagaalka lagula jiro Al-shabaab.Hoggaamiyaha Al-shabaab Abuu Cubayda ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Jabuuti iyo Faransiiska, isagoo sheegay inay isku bahaysteen dagaalka muslin nacaybka waa sida uu hadalka u dhigay.

Bishii May ee sanadkii 2014, Al-shabaab ayaa weerarkii ugu horeeyay oo ismiidaamin ah ka geystay magaalada Jabuuti, iyagoo beegsaday xarumo ay iskugu yimaadaan dadka Ajnebiga ee dalkaas ku dhaqan.

Weerarkaas oo ay fuliyeen laba qof oo nin iyo xaaskiisa ah, ayaa waxaa ku dhintay saddex qof oo laba kamid ah ay ahaayeen ismiidaamiyaasha iyo dhaawaca 11 kale.

Al-shabaab waxay weerarkaas ku tilmaameen inuu qeyb ka ahaa dagaalka ka dhan ah reer galbeedka ka soo horjeeda Islaamka.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.