Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya oo Baaqday iyo Sababta

Golaha Shacabka Soomaaliya
Golaha Shacabka Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Fariin xalay saq dhexe lala wadaagay xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa lagu wargaliyay in uu baaqday kulankii maanta qorshuhu ahaa in uu qabsoomo.

Xildhibaannada ayaa loo sheegay in ilaa maalinta Arbacada ah toddobaadkan dib loo dhigay fadhiga Golaha Shacabka.

Dib u dhigista ayaa lagu micneeyay in fursad la siiyo ama laga warsugo kulamada arrimaha doorashada lagaga hadlayo ee ka soconaya magaalada Muqdisho.

Golaha Shacabka Soomaaliya
Golaha Shacabka Soomaaliya

Laakiin dhinaca kale marka la eego waxaa soo baxaya warar sheegaya in beesha caalamku cadaadis xoog leh ku saareen guddoonka Golaha Shacabka in la joojiyo kulanka maanta oo laga shaki qabay in kulanka la hor keeni doono ajande ah mudo korarsi.

Xildhibaannadii laga mamnuucay fadhiyada golaha Shacabka oo maalintii shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay tagi doonaan kulamada Golaha xili kasta oo la qabanayo.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.