Wasaaradda Waxbarashada oo Gudbisay Dalab Ay Fasax Ugu Doonayso Ardayda Dugsiyada iyo Jaamacadaha Dalka

Hargeysa (Aftahannews) – Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa la sheegay in ay Guddida ka la dagaalanka xanuunka Covid-19 u gudbisay dalab ku aadan Dugsiyada iyo Jaamacadaha dalka, sababo la xidhiidha xanuunkaasi.

Wasaaradda ayaa Guddida xanuunka Covid-19 ka dalbatay in Ardayda dugsiyada iyo Jaamacadaha la fasaxo muddo laba bilood ah oo ka bilaabmaya toddobaadkaa soo socda (April 3, 2021 ilaa June 2021).

Dalabka fasaxa goobaha waxbarashada Somaliland, ayaa Wasaaradda Waxbarashadu sabab uga dhigaysaa faafidda Xanuunka  Covid-19 oo oo aad kor ugu kacay guud ahaan Gobollada Somalilad, waxaana Wasaaraddu doonaysaa inay samato-bixiso Ardayda dalka oo halis ugu jira Xanuunkaasi, maaddaama oo iyagoo tiro badan fasallada wada fadhiistaan.

Ma jiro War rasmi ah oo arrintan la xidhiidha oo Wasaaraddu si daah-furan uga sheegtay Warbaahinta, laakiin ilo-wareedyo ayaa sheegay in Wasaaraddu dalabkaa u gudbisay Guddiga la dagaalanka Covid_19 oo uu Guddoomiye u yahay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo laftiisa uu Xanuuku haleelay.

Tallaabadan Wasaaradda Tacliintu doonayso inay qaaddo oo aan la ogayn inay hirgeli karto iyo in kale, maaddaama oo imtixaanaadkii bilaabayaan bisha dambe horraanteeda, ayaa haddii ay hirgasho waxay noqon kartaa Tallaabo bedbaado u ah ubadka dugsiyada ku jira ee khatarta ugu jira Covid_19.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.