Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya oo helay qeybtii ugu horreysay Tallaalka Covid-19

Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya oo helay qeybtii ugu horreysay Tallaalka Covid-19
Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya oo helay qeybtii ugu horreysay Tallaalka Covid-19

Muqdisho (Aftahannews) – Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa helay dawadii ugu horeysay ee Tallaalka cudurka ‘Covid-19’.

Agaasimaha adeegyada caafimaadka ee ciidamada difaaca Kenya Maj-Gen George Ng’ang’a ayaa bilaabay howlgalkan tallaalka ee loogu talagalay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM gaar ahaan  Sector II ee fadhigoodu yahay Dhoobley Sabtidii.

Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya oo helay qeybtii ugu horreysay Tallaalka Covid-19
Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya oo helay qeybtii ugu horreysay Tallaalka Covid-19

Tani waa qeyb ka mid ah Wajiga 1 ee socda ee Barnaamijka Tallaalka Qaranka ee lagula dagaallamayo cudurka faafa ee Covid-19.

Ng’ang’a wuxuu ku booriyay dhamaan shaqaalaha inay ka qeyb qaataan howsha talaalka si kor loogu qaado dadaalada la dagaalanka aafada isla mar ahaantaana loo helo cudud caafimaad qabta, taasoo muhiim u ah u adeegida qaranka.

Sidoo kale, wuxuu ku booriyay ciidamada in ay sii wadaan kormeerida baratakoolka hay’adda caafimaadka Aduunka ee ku aadan xakameynta faafitaanka Covid-19.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.