Weeraro is-miidaamin ah oo lagu qaaday Kaniisad ku taalla Indonesia

Weerarka is-miidaamin ah ee lagu qaaday Kaniisad ku taalla Indonesia
Weerarka is-miidaamin ah ee lagu qaaday Kaniisad ku taalla Indonesia

Makassar (Aftahannews)- Laba qof oo ismiidaamiyay ayaa isku qarxiyay bannaanka kaniisad katoolik ah oo ku taal magaalada Makassar, ee caasimada gobolka South Sulawesi ee dalka Indonesia, ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhaawacmay weerarka.

Argo Yuwono, oo ah afhayeen u hadlay booliiska Indonesia ayaa u sheegay wariyeyaasha in ilaalada albaabka kaniisaddu ay qabteen ismiidaamiyayaasha, ka dibna uu bamku qarxay.

Yuwono ayaa sheegay inaysan mas’uuliyiintu awoodin in ay waqtigan xaqiijiyaan inta qof ee la dilay, iyo in qaybaha jirka ee ku kala firirsan goobta ay yihiin kuwa is-qarxiyay ama dhibbaneyaal.

Weerarka is-miidaamin ah ee lagu qaaday Kaniisad ku taalla Indonesia
Weerarka is-miidaamin ah ee lagu qaaday Kaniisad ku taalla Indonesia

Wasiirka Diinta ee Indonesia, Yaqut Cholil Qaumas, ayaa si adag u cambaareeyay qaraxan, isagoo muuqaal usoo diray Laanta Indonesia la hadasha ee VOA.

“Waxaan ku boorinayaa dhammaan hoggaamiyeyaasha diimaha, diintay doontaba ha noqotee, in ay u sheegaan dadkooda in ayna jirin diin banneysay argagixisannimada,” ayuu yidhi Qaumas.

Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo ayaa isna canbaareeyay weerarkan ismiidaaminta ah, wuxuuna ku amray taliyaha ciidamada booliiska in “si qotodheer loo baadho shabakadaha ay ka tirsanaayeen kuwa isqarxiyay, islamarkaana la siibo xididdada kooxdaasi.”

Indonesia ayaa muddo dheer waxaa ay wajahaysay weerarrada xagjiriinta, oo uu ku jiro weerarkii argagixiso ee lagu hoobtay ee sanadkii 2002 ka dhacay magaalada Bali oo ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof.

 

VOA