Baanka Dhexe oo Fasaxay Isticmaalka Lacagta 50 Dollar

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland
Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Baanka dhexe ee Somaliland ayaa maanta shaaciyay in dib loo fasaxay isticimaalka Lacagta 50-ka dollar ee Maraykanka.

Baanka dhexe ayaa ayaa hore u hakiyay isticimaalka Lacagta Noodhadhka ee 50 dollar kadib markii suuqyada Somaliland ay soo galeen noodhadh been-abuur ah.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Caali Ibraahin Jaamac Baqdaadi, waxanu u dhignaa sidan;-

“Baanka Dhexe ee JSL waxa uu hore u hakiyey isticmaalka Noodhadhka kontonka Doolar, markii ay noo caddaatay in ay suuqyada JSL soo galeen noodhadh been-abuur ah, oo aanay qabanayn mashiinnada aqoonsada lacagta been-abuurka ah.

Haddaba, xog ururin iyo xog-warran aanu ka helnay Baananka iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee waawayn ee dalka ka hawl-gala, waxay noo sheegeen in ay keeneen Mashiino Casri ah oo lagu aqoonsan karo lacagta macmalka ah.

Sidaa awgeed, waxa uu Baanka Dhexe ee Somaliland ogaysiinayaa Baananka, Sarriflayaasha, Hay’adaha Maalayadeed iyo guud ahaan Bulsho-waynta Somaliland, in uu Baanka Dhexe fasaxay isticmaalka noodhadhka lacagta 50 doolar ah ee aan been-abuurka ahayn.

Ugu dambayn war saxaafadeedkan ka soo baxay baanka dhexe ee JSL waxa kale oo lagu yidhi:-

Waxa aanu Bulshada ku war-gelinaynaa in Baanka Dhexe ee JSL uu masuul ka yahay Daabacaadda, Kaydinta, Daryeelka, Wareejinta iyo Beddelka Shillinka Somaliland oo qudha, balse aanu masuul ka ahayn beddelaadda doolarka Maraykanka iyo lacagaha qalaad ee kale.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.