Ciidamo Gadoodsan oo Xidhay Wadada Isku-xidha Gaalkacyo iyo Garoowe

Ciidamada maamulka Puntland ee Gadoodka sameeyay
Ciidamada maamulka Puntland ee Gadoodka sameeyay

Garoowe (Aftahannews)- Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa fadhiisimo cusub dhigtay wadada isku xidha magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe, gaar ahaanna nawaaxiga deegaanka Xarfo ee gobolka Mudug.

Ciidamada oo u diiday mas’uuliyiinta Puntland in ay adeegsadaan wadada isku xidha Garoowe iyo Gaalkacyo, ayaa halkaasi fadhiyey ku dhowaad asbuuc.

Waxayna hadalhayntoodu soo baxaysaa xili masuuliyiiin uu kamid yahay wasiirka maaliyadda Puntland qorshaynayeen inay ciidamo tababar ugu soo xidhaan degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in mas`uuliyiinta maamulka Puntland qorshaynayaan iney diyaarad ku yimaadaan Gaalkacyo.

Inkastoo xukuumada Deni sheegtay inay mushaharka u kordhiday, hadana cabashada ciidamada weli ma dhamaan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland