Madaxii Qaraxyada Al-shabaab ee Shabeellaha Hoose oo la Dilay

Al-shabaab

Muqdisho (Aftahannews) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ciidanka xoogga Soomaaliya ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen madaxii Qaraxyada Al-shabaab gobolka.

Sarkaalka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Jiis ayaa ahaa madaxii u qaabilsanaa qaraxyada Al-shabaab gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-shabaab
Al-shabaab

Iska horimaad ka dhacay deegaan lagu magacaabo Buula-Xaaji ayaa la sheegay in lagu dilay sarkaalkan iyo 10 kale oo ilaaladiisa aheyd oo la soctay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xidhiidha sheegashada saraakiisha dowladda ee ah in la khaarajiyay sarkaalkoodii ugu sarreeyay dhinaca qaraxyada ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo dagaalyahanno la socday.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.