Dad Badan oo Covid-19 ugu Dhintay Gobolka Galguduud ee Bartamaha Soomaaliya

Qalabka Neef-caawiyaha Bukaanka COVID-19 OO QOF XANUUNSAN KU RAKIBAN 2020.jpg
Qalabka Neef-caawiyaha Bukaanka COVID-19 OO QOF XANUUNSAN KU RAKIBAN 2020.jpg

Galguduud (Aftahannews) – Wararka naga soo gaadhaya gobolka Galguduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in uu ku sii fidanayo deegaannada uu gobolku ka kooban yahay caabuqa Covid-19.

Degmada Caabud-Waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa wararka ka imanaya waxaa ay sheegayaan dad gaadhaya 30 ruux ugu dhinteen cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Qalabka Neef-caawiyaha Bukaanka COVID-19 OO QOF XANUUNSAN KU RAKIBAN 2020.jpg

Dhinaca kale, Degmada Xeraale ayaa lagu waramayaa in 15 ruux , maalmihii aynu soo dhaafnay ay ugu geeriyoodeen cudurkan, iyadoo dhinaca kalana ay jiraan dad la ildaran sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Bashiir Daahir Dhagabadan.

Wasaarrada Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu sii kordhayo khatarta cudurkani uu ku hayo bulshada, waxaana si maalinle ah cudurkan ugu geeriyooda dad Soomaali ah deegaannada kala duwan ee Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.