Somalia: Xildhibaano kamid ah Golaha Shacabka oo laga mamnuucay Fadhiyada Barlamaanka

Golaha Shacabka Soomaaliya
Golaha Shacabka Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa soo saaray go’aan 15 Xildhibaan oo kamid ah golaha shacabka lagaga joojiyay fadhiyada baarlamanka ee soo socda.

Xildhibaanadan oo lagu tiriyo mucaaradka xukuumadda Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inay fowdo ka kiciyeen xarunta barlamaanka islamarkaana ay hor istaageen Furitaanka fadhiga maanta.

Xildhibaanadan ayaa golaha ka maqnaan doona shanta fadhi ee soo socda, xilli lagu wado in barlamaanka Soomaaliya uu ka dooddo arrimo xasaasi ah oo ku saabsan doorashada lagu muransan yahay.

Hoos ka akhriso qoraalka guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.