Marinka Suweys ee Dalka Masar oo weli Xayiran

Markabka Xayiray isu socodka marinka Suweys
Markabka Xayiray isu socodka marinka Suweys

Qaahira (Aftahannews)- Dadaallo meesha lagaga qaado Markab weyn ee xayiray isu socodka marinka Suweys ayaa halkaasi ka socda.

Ninka madaxda ka ah shirkadda dalka Japan laga leeyahay eel eh markabka Ever Given ayaa sheegay in markabku aanu u muuqan mid cilladaysan.

Markabka Xayiray isu socodka marinka Suweys
Markabka Xayiray isu socodka marinka Suweys

Dadka ku hawllan hawlgalka marinka lagu bannaynayo ayaa sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in ay ka faa’idaystaan hirarka waaweyn ee badda ee soo aaddan Axadda si markabku uu u dhaqaaqo kaddib markii ay fashilmeen dadaalladii maanta.

Maraakiib 200 kor u dhaafaya ayaa ku xayiran cidhifyada marinka Suweys, kuwaas oo sugaya in la banneeyo mid ka mid marrinnada badda ee ugu mashquulka badan caalamka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.