Xildhibaan Qabiile: “Xukuumadda Waxaa looga baahan yahay inay la timaado Siyaasad sal balaadhan oo lagu Xakamaynayo Xanuunka Covid-19”

Xildhibaan Qabiile
Xildhibaan Qabiile

Hargeysa (Aftahannews) – Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in Xukuumadda looga baahan yahay Siyaasad ku waajahan xakamaynta xanuunka Covid-19 iyo qorshe wax lagaga qabto xaaladaha ka taagan Gobollada Sanaag iyo Togdheer.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Qodobo qudha oo laga soo saaro xanuunka Covid 19, waxba lagagama qaban karo, maxaa yeelay xaaladda Covid-19, oo intan ka fudud ayaa Dugsiyada la fasaxay, maanta oo ay xaaladdu ka culus tahay, dadkuna aad u dhimanayaan lama fasixin dugsiyadii, ta kale Xukuumadda waxaa  looga baahan yahay inay la timaaddo siyaasad sal ballaadhan oo lagu xakamaynayo xanuunka Covid 19, waxaynu aragnaa in Dhakhaatiirtii ay maanta u jiifan xanuunkii, mar haddii Dhakhaatiirtii xanuunkan daweynayey ay u jiifaan, maxaad u malayn dadkii kale ee shacabka ahaana, markaas xanuunka Covid 19 aad baa loo sahashaday ee Xukuumaddu xal ha la timaado”.

Xildhibaan Qabiile
Xildhibaan Qabiile

Mar  wuu ka hadlayey talaalka wuxuu yidhi “Talaalka waxaynu aragnaa inay Maanta is talaaleen madaxdii qaranku, dabcan iyagoo tusay ummadda inteeda kale, laakiin waxaa badan dadka masaakinta ah oo aanu talaalkani gaadhayn, inta badan waxaa la yidhaahda dadka xanuunka u nuguli waa waayeelka, laakiin dadka uu inta badan xanuunkani jidhkooda ku jirayo, si yar oo fudud oo deg-deg ahna u faafinayaa waa Dhalinyarada, markaas in wacyigelinta dhalinyarada xoogga la saaro, oo aad wax loogu sheego ayaa haboon, waxaana soo jeedinayaa in Dugsiyada la fasaxo, in aad la isku ilaaliyo, oo taxadir badan la sameeyo”.

Mar wuu ka hadlaayey xaaladda Gobollada ayuu yidhi “Hargeysa dhamishadu aad bay u badan tahay, maadaama ay Hargeysi balaadhan tahay, xaabalaheeduna badan yihiin, cid baan dareensayn, ee aad bay dhimasadu ugu badan tahay, ta kale Gobollada Togdheer iyo Sanaag dhimashadu bay u badan tahay, ilaa haddana xal wax lagaga qabtay xanuunkani ma jiraan, laakiin Xukuumadda waxaa looga baahan yahay inay wax ka qabato”.

 

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika