Dowladda UK oo ku Hanjabtay in aanay Aqbali Doonnin in Soomaaliya ay ka Dhacdo Doorasho aan laysku raacsaneyn

Wasiirka UK ee Africa, James Duddridge
Wasiirka UK ee Africa, James Duddridge

London (Aftahannews) – Dowladda UK ayaa sheegtay in marnaba aqbali doonin doorasho aan wadar ogol ku dhicin Soomaaliya, xili wali hoggaamiyayaasha Soomaalidu uu dhax yaalo khilaaf baahsan oo la xidhiidha arrimaha doorashada Soomaaliya.

War ka soo baxay Wasiirka UK ee Africa James Duddridge, ayaa lagu sheegay in marnaba aan la aqbali doonin ficilada keeni kara doorasho is barbar socota ama dhinac kaliya ah ama xitaa muddo kororsi lagu sameeyo hay’addihii hore u sii jiray ee dowladda Soomaaliya.

Wasiirka UK ee Africa, James Duddridge
Wasiirka UK ee Africa, James Duddridge

”Waxaan ugu baaqeynaa hogaamiyaasha Soomaaliya in ay ka gudbaan ismari waaga, ay galaan wada hadal wax ku ool ah oo ay qabtaan doorasho loo wada dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo sida ugu dhaqsaha badan,” ayaa lagu yidhi bayaanka qeyb ka mid ah.

Boqortooyada ayaa hoosta ka xariiqday baahida degdegga ah ee loo qabo in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay isu yimaadaan oo ay gaadhaan heshiis guud oo ku saabsan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka, iyadoo la raacayo qaabkii lagu heshiiyey 17-kii Sebtember iyo talooyinkii Guddiga Farsamada ee 16-kii February.

Hadalka dowladda UK ayaa imanaya xili magaalada Muqdisho  ku sugan yihiin madaxda Federaalka iyo kuwa Dowlad gobolleedyada oo u jooga in ay wadahadal ka yeeshaan qabashada doorasho leysku raacsan yahay, laakiin wali waxaa ay mashkalad ka taagan tahay sidii leysugu keeni lahaa dhinacyada isku khilaafsan hannaanka loo marayo doorashada, iyadoo dhowr jeer oo hore lagu fashilmay shirar arrimahan ku saabsan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.