Madaxda Maamul Gobolleedyada Soomaaliya oo Shir uga furmay Magaalada Muqdisho

Kulanka Madaxda Maamul Gobolleedyada Soomaaliya
Kulanka Madaxda Maamul Gobolleedyada Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Shir gaar ah ayaa waxaa goor dhawayd xerada Xalane ee magaalada Muqdisho uga furmay Madaxda Maamul Gobolleedyada Soomaaliya, kaa soo qeyb ka ah xal u helida khilaafka baahsan ee la xidhiidha doorashada Soomaaliya.

Waxaa shirkan ka qeybgalaya dhamaanba madaxda dowlad gobolleedyada kuwaas oo kala ah Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Kulanka Madaxda Maamul Gobolleedyada Soomaaliya
Kulanka Madaxda Maamul Gobolleedyada Soomaaliya

Madaxweynayaashan ayaa ka wada hadlaya sidii loo soo afjari lahaa kala aragti duwanaashaha iyo khilaafka salka ku haya hannaanka lagu wajahayo doorashada Soomaaliya oo madaxda dowlad gobolleedyada qaarkood rabaan si ka duwan sida ay dooneyso madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo toddobaadyadii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaan wali soo hor fadhiisan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhowr jeer oo hore taggay goobta shirka loo iclaamiyay ee teendhada Afisiyooni, iyaga oo ka biyo diidan ajandaha shirka iyo awoodaha Farmaajo ee hoggaaminta kulanka.

Shirkan ayaa sidoo kale qeyb ka ah kulamo gaar gaar ah oo leysugu soo jiidayo dhinacyada iska soo horjeeda si ugu danbeyntii xal waara lagaga gaadho muranka doorashada Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.