Kulankii Golaha Shacabka Soomaaliya oo ku soo dhamaaday Buuq iyo Sawaxan

Golaha Shacabka Soomaaliya
Golaha Shacabka Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Waxaa buuq iyo is qabqabsi ku soo idlaaday kulan ay maanta u balansanaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo lagu wadday in uu ka dhaco xarunta Villa Hargeysa.

Kulanka oo xalay lagu wargaliyay mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ajandihiisa lagu sheegay in uu la xidhiidho ka hadalka saameynta uu dalka iyo dadka ku yeeshay caabuqa Covid-19, hasse ahaatee daqiiqdihii ugu danbeeyay waxaa soo ifbaxday hadal heyn kale oo ah in ajandahaasi uu ku hoos jiro muddo kororsi, waana tan keentay in ay buuq ka sameeyaan xildhibaannada qaarkood.

Waxaa la maqlayay buuq iyo sawaxan ay sameynayeen mudanayaasha qaar markii uu soo galay guddoonka Baarlamaanka oo markii danbe isaga tagay goobta.

Golaha Shacabka Soomaaliya
Golaha Shacabka Soomaaliya

Xildhibaannada qaarkood ayaa ku eedeeyay in ay jiraan mudanayaal is hortaagay qabsoomida kulanka oo maanta kuwaa oo diiday in ay saxeexaan buugga isxaadirinta, dhinaca kalana ka horyimid in uu fadhigu qabsoomo.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Guddoonka Golaha Shacabka oo la xidhiidha arintan dhacday.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.