Khilaaf Cakiran oo ka dhex-qarxay Dowladaha Turkiga iyo Faransiiska & Paris oo ka Qaylisay Ankara

MADAXWEYNEYAASHA TURKIGA IYO FARANSIISKA
MADAXWEYNEYAASHA TURKIGA IYO FARANSIISKA

Ankara(aftahannews):- Dowladda Turkiga, ayaa Arbacadii cambaareysay diginin Faransiiska ka soo yeedhay, taas oo ay ku tilmaantay mid aan la aqbali karin. Taas oo Madaxweynaha  Faransiiska Emmanuel Macron uu ku sheegay in Ankara ay faro-gelin ku hayso doorashooyinka madaxtinnimada ee dalkaas ka dhacaysa.

MADAXWEYNEYAASHA TURKIGA IYO FARANSIISKA
MADAXWEYNEYAASHA TURKIGA IYO FARANSIISKA

Madaxweyne Macron, ayaa toddobaadkan u sheegay taleefishin Faransiis ah in Turkey “ay ka faa’iideysanayso ra’yiga dadweynaha, isla markaana ay been ku faafineyso gudaha Faransiiska, iyada oo adeegsaneysa Warbaahin dowladdu maamusho. 

“Waxaa jiri doona isku dayo lagu faro-gelinayo doorashooyinka madaxweynaha ee dhacaya 2022.” sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha dowladda Faransiiska Emmanuel Macron.

Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga, ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in erayada Madaxweyne Emmanuel Macron ay yihiin kuwo aan la aqbali karin oo dhib ku ah ku ah saaxiibtinnimada iyo isbaheysiga labada dal ee Faransiiska iyo Turkiga.

Hadallada Macron ayaa sii kordhinaya muranka kala dhaxeeya madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan, kaasi oo labada hoggaamiye ay isku dhaafsadeen hadallo kulul oo ku aadan khilaafyada gobolka.

Murankooda ayaa sanadkii tegay gaaray meeshii ugu hooseysay markii Erdogan uu u sheegay Macron; “inuu maskaxda iska soo tijaabiyo.” Waxaanu kuna booriyey Faransiiska inay meesha ka tuuraan Madaxweynahooda, ka dib markii France ay soo saartay sharciyo wax lagaga qabanayo Islaamka xagjirka ah.

Bilo kahor hadalkaas ayaa Macron wuxuu soo jeediyey in shacabka Turkey ay u qalmaan wax aan aheyn siyaasadaha Erdogan.

Xigasho VOASomali iyo AFP.