Kenya oo Waqti kooban u Qabatay Xidhitaanka Xeryaha Qaxoontiga Dalkeeda

Nairobi(aftahannews):- Dowladda Kenya, ayaa muddo 14 maalmood ah u qabatay Hay’adda UNHCR inay ku keento qorshe lagu xidhayo Xeryaha Qaxoontiga ee Kenya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya Fred Matiang’i, ayaa sheegay inuu ku wargeliyey Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay UNHCRF inay muddo 14 maalmood gudahood ah ku keento qorshe lagu xirayo xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma ee ku yaal Kenya.

Farriintan Matiang’i ayaa lagu qoray barta twitterka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Kenya. UNHCR ayaan weli ka jawaabin hadalka Kenya.

Sannadkii 2013-ka ayey dawladaha Kenya, Soomaaliya iyo hay’adda UNHCR wada gaareen heshiis saddex geesood ah kaasi oo dhigayey in qaxootiga ku jira Dhadhaab ay u laabtaan si iskood ah.

Kenya ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay inay doonayso in la xiro xeryaha Dhadhaab oo ay ku nool yhiin in ka badan 200 kun oo Soomaali ah oo badankoodu halkaasi u qaxay horraantii sannadihii sagaashameeyada.