Dowladda Soomaaliya oo Si adag ugu digtay Wakiillada Beesha Caalamka

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe

Muqdisho(aftahannews):- Doeladda Federalka Soomaaliya, ayaa digniin u dirtay Wakiillada Beesha Caalamka ee Muqdisho ka hawlgala.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe, ayaa uga digay Danjireyaasha ka howl-gala Soomaaliya ku xadgudubka madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Wasiirka, ayaa tilmaamay in qoraallo ay soo saareen Danjireyaasha shisheeye qaarkood ay ka baxsan yihiin shuruucda iyo curfiga diblumaasiyadeed, isagoo xaqiijiyey in dhaqanka noocaas ah aysan aqbalayn shacabka iyo dowladda Soomaliyeed.

“Dalalka caalamka waxaannu ka filaynaa inay ilaaliyaan madax-bannaanida iyo wadajirka bulshada caalamka. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa dal leh madax-bannaani buuxda, arrimaheeda guddahana waa lama taabtaan. Waxaa jira Danjireyaal u soo dira Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed farriimo aan waafaqsanayn shuruucda caalammiga ah, kana soo horjeedda ixtiraamka madax bannaanida dalalka, ku xadgudubka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa khad cas oo aan laga gudbi karin.”ayuu yidhi Wasiir Dubbe.

Wasiir Dubbe ayaa dhinaca kale ugu baaqay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ee aan ka soo qeyb gelin Shirka muddadii saddexda cisho ahayd ee aad la soo dhaafay in ay ku soo biiraan, ayna qaataan doorka iyo masuuliyadda qaran ee ka saaran sii ambaqaadidda hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.