Cabdirashiid Janan oo lagu Soo Dhaweeyey Balad-xaawo Heshiiska Dowladda dhexmaray ka dib

Cabdirashiid Janan oo Balad-xaawo lagu soo dhaweeyay
Cabdirashiid Janan oo Balad-xaawo lagu soo dhaweeyay

Balad-xaawo (aftahannews):- Waxaa si ramsi ah u soo shaac-baxay heshiis ay dowladda Soomaaliya la gaartay Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur Janan oo siweyn uga soo horjeeday joogitaanka ciidamada dowladda ee gobolka Gedo.

Cabdirashiid Janan oo Balad-xaawo lagu soo dhaweeyay
Cabdirashiid Janan oo Balad-xaawo lagu soo dhaweeyay

Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaalya iyo shacabka reer Beledxaawo ayaa ku soo dhaweeyay Janan gudaha degmada Beledxaawo oo horraantii sanadkan ay ku dagaalameen xoogag taabacsanaa iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu jiro heshiiska ay wada galeen Cabdirashiid Janan oo ay ku tilmaameen in uu yahay shaqsi muhiim u ah nabad-galyada gobolka Gedo, islamarkaana gartay in uu u hiiliyo Qarrannimada.

Saraakiil sar sare oo ka tirsan hay’adda Nabad-sugida Qaranka ayaa la sheegay in ay u tageen gobolka Gedo dhameystirka heshiiska iyo soo dhaweynta mas’uulkan oo siweyn markii hore uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya.