Wejigii koowaad ee Shirka Wadatashiga Dowladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada oo soo xidhmay

Shirka Madaxda Soomaliya
Shirka Madaxda Soomaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abukar Dubbe ayaa sheegay inuu soo dhamaaday wajigii koowaad ee shirka wadatashiga dowladda federalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in shirka wajigiisa koowaad uu ahaa akhrinta ajendaha iyo is araga madaxda kala duwan ee dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

Shirka Madaxda Soomaliya
Shirka Madaxda Soomaliya

Wuxuu sheegay madaxda Puntland iyo Jubbaland oo shirka lagu casuumay in aanay kasoo qeyb galin, isagoo sheegay in dowladda federalka ayna ogayn sababta labada madaxweyne shirka u imaan waayeen.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo uu ka soo baxay ballantiisii ahayd inuu shirka iskugu yeedho madaxda siyaasada, isagana uu noqday qofkii ugu horreeyay ee shirka yimaada.

Wasiirka warfaafintu wuu ka gaabsaday su’aalo badan oo ay warbaahinta weydiin lahaayeen, wuxuuna ku soo kooban dhowr weydiimood oo qaarkood uu si kooban uga jawaabayay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.