Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Furay Shir lagu Dhammaystirayay Siyaasadda Warbaahinta

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa maanta magaalada Hargeysa ka furay Kulan ku saabsan dhammaystirka Siyaasadda Warbaahinta Qaranka oo muddo soo socotay diyaarinteedu.

Shirkan waxa kaloo ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Maxamed Yuusuf Ismaaciil, Agaasimewaaxeedyada Wasaaradda, Masuuliyiin ka socday Ururrada Saxaafadda, Dallada SONSAF iyo khuburro kala duwan.

Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Warfaafinta Deeq Aw Cali Yuusuf oo ka hadlay shirkaasi ayaa ka warbixiyey ujeeddooyinka laga leeyahay Siyaasadda Warbaahinta Qaranka iyo marxaladihii ay soo martay, waxaanu u mahad celiyey cid kasta oo tallo iyo soo jeedin ku lahayd.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa sheegay in Wasaarad ahaan ay daneeyeyaasha oo dhan ka qaybgaliyeen xiligii la diyaarinayey siyaasadda Warbaahinta Qaranka, waxaanu tilmaamay in siyaasadda Warbaahinta Qaranka oo gabogabo maraysa loo gudbin doono Golaha Wasiirrada.

Agaasime Maxamed Yuusuf waxa uu intaas ku daray Wasaaradda Warfaafintu ay xaq u leedahay curinta siyaasadda warbaahinta, halka Saxaafadduna ay ku leedahay kaalin weyn oo ah inay ka talo bixiyaan siyaasadaha iyo xeerarkaba.

Waxa kaloo siyaasadaasi soo dhaweeyey isla markaana tallooyinkooda soo jeediyey Masuuliyiin kala duwan oo ku hadlayey magaca Ururrada SOLJA, WIJA, FIMO, SIBA, Ururka Mareegaha, iyo BBC Media Action,  kuwaasi ka hadlay baahida loo qabo siyaasadda warbaahinta isla markaana sheegay inay door ku lahaayeen diyaarintii iyo curintii siyaasadda.

Sidoo kalena waxa iyaguna ka hadlay marxaladihii  ay Siyaasadda Warbaahintu soo martay Agaasimaha Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, Maxamed Xasan Cali Weji, Xuseen Cali Nuur, Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab) iyo Madaxa Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac oo ku baaqay in la taageero dhammaystirka  Siyaasadda Warbaahinta Qaranka oo ay caddeeyeen in la dhammaystiray.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.