Muxuu yahay qorshaha Trump ee ku soo rogaal celinta baraha bulshada?

Donald Trump
Donald Trump

Washington (Aftahannews)- Madaxweynihii Mareykanka Donald Trump ayaa dhawaan dib ugu soo laaban raba isticmaalka baraha bulshada, sida uu sheegay la taliyihiisa.

Trump wuxuu dib u furan doonaan boggag isaga u gaar ah.

“Waxaan filayaa in madaxweyne Trump uu dib ugu soo laaban doono baraha bulshada muddo laba ama saddex bilood gudahood” ayuu yidhi Jason Miller oo la hadlayay warbaahinta Fox News.

Donald Trump
Donald Trump

Wuxuu sheegay in boggagaas ay noqon doonaan kuwo lagaga hadli doono arrimo muhiim ah oo wax ka baddali doona ciyaarta.

Trump ayaa laga joojiyay baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka iyo Facebook kadib rabshadihii 6-dii bishii January ka dhacay xarunta Capitol ee magaalada Washington DC.

Tageerayaasha Trump ayaa dibadbaxyo rabshado watay ka sameeyay halkaas, waxaana ku dhintay shan qof oo uu kamid yahay sarkaal boolis ah.

Maalmo kadib, shirkadda waxay Trump ka joojisay isticmaalka bartaas kadib cabsi laga qabo in qoraalladiisa ay huriyaan qalalaaso.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.