Lacagta Turkiga oo hoos u dhacday kadib markii Erdogan uu shaqada ka eryay guddoomiyaha bangiga dhexe

Lacagta Turkiga ee Lira
Lacagta Turkiga ee Lira

Ankara (Aftahannews)- Qiimaha lacagta Turkiga ee Lira ayaa hoos u dhac ku yimid boqolkiiba 14 kadib markii madaxweyne Erdogan uu shaqada ka eryay guddoomiyihii bangiga dhexe ee Turkiga.

Naci Agbal ayaa lagu xasuustaa in uu waday dadaallo wax lagaga qabanayo lacagta Lira oo dhowr jeer qiimaheeda hoos u dhac ku yimid.

Erdogan ayaa Sabtidii gaadhay go’aanka lama filaanka ah, waana markii saddexaad oo la baddalo guddoomiyaha bangiga dhexe ee Turkiga muddo 2 sano gudahood.

Lacagta Turkiga ee Lira
Lacagta Turkiga ee Lira

Naci Agbal ayaa bishii Nofembar loo magacaabay xilkan, wuxuuna sare u qaaday lacagaha dulsaarka ee deynta ah si looga hortaggo sicir bararka.

Go’aanka shaqada lagaga eryay guddoomiyaha bangiga dhexe ee Turkiga, wuxuu argagax ku reebay maalgashatada gudaha iyo kuwa caalamka kuwaas oo bogaadiyay dadaallada dhaqaale ee uu waday ninkan.

Waxay sidoo kale arrintan saameysay suuqyada sarifka ee Istanbul, waxay dhalin kartaa walaaca ah saameynta Turkiga ay ku yeelan karto lacagaha amaahda ah.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.