Shir gaar ah oo u furmay Madaxweyne Farmaajo iyo Qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada

Shirka Madaxda Soomaliya
Shirka Madaxda Soomaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Waxaa teendhada Afsiyooni ee magaalada Muqdisho goor dhawayd ka furmay shir gaar ah oo ay ka maqan yihiin madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaarihiisa Maxamed Xusseen Rooble, madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo gobolka Banaadir.

Shirka Madaxda Soomaliya
Shirka Madaxda Soomaliya

Shirkan ayaa waxaa ka maqan oo aan ka soo qeybgalin madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland oo maalmihii ugu danbeeyayba u joogay Muqdisho ka qeybgalka shirkan, hasse ahaatee waxaa soo baxaya in uu jiro khilaaf xoogan oo ku gadaaman ajandaha shirka iyo cidda hoggaamineysa.

Beesha caalamka ayaa dhinacyada Soomaalida cadaadis xoog leh ku saaraya heshiis kama danbeys ah oo laga gaadho arrimaha doorashada Soomaaliya.

Safaaradda Mareykanka ayaa qoraal ka soo baxay shalay ku sheegtay in madaxda dowladda gobolleedyada ka tagi doonin Muqdisho ilaa laga gaadhayo heshiis doorasho oo kama danbeys ah.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.