Madaxweyne Deni oo sheegay in Dowladda Federalku ay Ciidamo ku hareeraysay Xerada Xallane ee ay degen yihiin

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni

Muqdisho (Aftahannews) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ayna muuqan sabab uu uga qeyb galo shirka wadatashiga ee madaxweyne Farmaajo ku casuumay madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Madaxweyne Deni oo BBC-da wareysi siiyay ayaa sheegay in ay qatar amni ku jiraan islamarkaana dowladda federalka ay ciidamo ku hareeraysay xerada Xallane oo ay degen yihiin isaga iyo Axmed Madoobe.

“Maxaaba shir laga qeyb galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay Ammisom tidhi anagaa amnigeeda sugeeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuntay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay,” ayuu yidhi Madaxweyne Deni.

Deni wuxuu sheegay qorshaha ciidamada Xallane loo soo dhoobay in ay tahay sidii loo soo wareeri lahaa iyaga, isaga oo sheegay madaxweyne Farmaajo in aanu u soo jeedin doorasho xallaal ah inuu qabto.

“Waxaan idiin sheegayaa meeshaan shir kama muuqdo, waxaa ka horraysa amaanka in meel la isla dhigo, sharciyadda lagusoo laabto, markaas kadib ayaa doorasho laga wada hadli karaa,” ayuu yidhi Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Farmaajo uu jebiyay tal-soo jeedintii shirkii Baydhabo kadib markii sida uu sheegay ay dowladdiisu ciidamo ku daabushay gobolka Gedo.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa yimid iyadoo maalinta berrito ah loo ballansan yahay in la qabto shirkii wadatashiga doorashada.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.