Somaliland oo Mamnuucday Booqashada Maxaabiista ku Xidhan Xabsiyada

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka wasaarada cadaalada Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa sheegay in caabuqa Covid-19 awgii loo joojiyay in maxaabiista lagu booqdo xabsiyada.Wasiirka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la joojiyay booqashooyinkii loogu tagi jiray maxaabista xabsiyada ku jirta, si loo ilaaliyo bad qabkooda.

“Waxa la joojiyay dhamaan boqashooyinkii loogu tagi jiray maxaabiista, dadka maxaabiista booqanaya gobolo badan bay iska yimadaan, dibaday ka yimadan” ayuu yidhi wasiirku.

“Ka wasaarad ahaan waxanu dirnay koox kuwaasi oo xabsiyada oo dhan soo maray isla markaana gaadhsiiyay qalabkii lagaga gaashamanayay caabuqa” ayuu wasiirku hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiirka ayaa sheegay in si maalinle ah ay uga warhayaan xaalada ay ku suganyihiiin maxaabiista ku jirta xabsiyada.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in ay kala fogeeyeen maxaabiista xabsiyada ku jirta si aanu xanuunku ugu dhexfaafin.“Waxaanu ku dadalay in maxaabiista la kala durkiyo, oo la kala yareeyo” ayuu yidhi wasiirku.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.