Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo Go’aano ka soo saartay Goobaha Waxbarashada

Hargeysa (Aftahannews) – Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Abokor Maxamed, ayaa go’aan adag ka soo saaray goobaha waxbarshada ee dalka.

Agaasimaha wasaarada Waxbarshada ayaa farriin u diray guud ahaan dugsiyada dalka iyo bahda waxbarshada, waxaanu agaasimuhu faray guddoomiyeyaasha waxbarashada ee gobolada dalka, maamulayaasha dugsiyada iyo goobaha waxbarashada inay fuliyaan amarkii habraaca xanuunka Covid-19.

Agaasime Axmed Obokor ayaa sidoo kale sheegay in 45 Arday waxka badan ay dhigtaan goobaha waxbarshada, isagoona intaasi ku daray in ardaygu uu dhigan doono 30 xiisadood, marka laga reebo Ardayda Dugsiyada hoose iyo kuwa barbaarinta caruurta, islamarkaana ay xiisaduhu ay noqon doonaan 45 daqiiqo.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland ayaa maamulka dugsiyada ugu baaqay inay amarkaa sideeda loo fuliyo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.