Mareykanka oo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ku amray in ayna Muqdisho ka tegi karin illaa heshiis la gaadho

Muqdisho (Aftahannews) – Dowladda Mareykanka ayaa madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya u sheegtay in ay Muqdisho sii joogaan illaa laga gaadhayo heshiis siyaasadeed oo arrimaha doorashada ku saabsan.

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa sidan ku sheegtay qoraal kooban oo ay kusoo daabacday barteeda Twitterka, iyadoo qoraalku uu si toos ah ugu socday madaxweynayaasha, Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur galbeed iyo Hirshabelle.

“Dadka Soomaaliyeed waxay rabaan doorasho hadda ah. Waa inaad ku sugnaataan Muqdisho ilaa heshiis doorasho laga gaadho. Guul darradu maahan ikhtiyaar,” ayay tidhi  safaaradda Maraykanka.

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay in aanan la qaadan karin guul darro kale oo ku yimaada geeddi socodka doorashada.

Hadalka Safaaradda Maraykanka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo laga walaacsan yahay qabsoomida shirka madaxweyne Farmaajo ku baaqay oo xukuumada Soomaaliya ay maamulayso.

Illaa iyo hadda dowlad goboleedyada kama hadlin shirkan, balse waxaa socda dadaalo ku aadan in shirku dhaco berrito.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.