Ciidamo Booliis ah iyo Maleeshiyaad ku Dagaalamay Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo (Aftahannews) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray ciidamada Booliis ah iyo koox maleeshiyaad ah oo la sheegay in ay ka ganacsadaan wax-yaabaha maanka dooriya.

Iska horimaadka ayaa dhacay kaddib markii ay ciidamada Booliiska howlgal qorsheysan ka sameeyeen goob ay ku sugnaayeen koox ka ganacsata wax-yaabaha maanka-dooriya, sida ay shaaciyeen saraakiisha amniga.

Magaalada Gaalkacyo
Magaalada Gaalkacyo

Inta la xaqiijinayo ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dagaalka labada dhinac, iyada oo ay ku dhaawacmeen afar qof oo kale, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxda maleeshiyada ah iska caabiyeen ciidamadii weerarka ku soo qaaday.

Si kastaba dhowaan madaxweynaha Puntland Deni ayaa amray laamaha ammaanka inay xoojiyaan amniga deegaanada maamulkaasi, kana hortegaan waxyaabaha maanka-bedala.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Gaalkacyo/Puntland.