Laftagareen oo Soomaaliya dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdiscasiis Xassan Maxamed Laftagareen
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdiscasiis Xassan Maxamed Laftagareen

Muqdisho (Aftahannews) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdiscasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa maanta Soomaaliya dib ugu soo laabtay kaddib safar toddobadyadii ugu danbeeyay uu ugu maqnaa dalka Turkiga.

Imaanshiyaha madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen ayaa ku soo beegmay xili maalinta berri ah lagu waddo in uu magaalada Muqdisho uu ka furmo shir uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdiscasiis Xassan Maxamed Laftagareen
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdiscasiis Xassan Maxamed Laftagareen

Dowladda Soomaaliya ayaa maalintii shalay sheegtay in shirka lagaga hadlayo arrimaha doorashooyinka maalinta berri ah uu ka furmaya teendhada Afsiyooni kaa soo ay ka qeybgali doonaan madaxda dowlad gobolleedka iyo gobolka Banaadir.

Hore waxaa magaalada Muqdisho u sii joogay madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada, Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.