Madasha Badbaado Qaran oo qoraal ka dhan ah Farmaajo u dirtay beesha caalamka

Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliya
Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliya oo dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho ayaa qoraal lagu daabacay luuqada English oo ka dhan ah madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo waxaa ay u dirtay beesha caalamka.

Qoraalka Madasha oo ah mid aad u dheer ayaa loo diray xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony J. Blinken, Wakiilada sare ee Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga Josep Borrell, xoghayaha arrimada dibedda Britain Dominic Raab, Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlüt Çavuşoğlu, guddoomiyaha Midowga Afrika Felix-Antoine Tshisekedi Tshilombo, Xoghayaha ururka iskaashiga dalalka Islaamka Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman Al-Othaimeen iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-Gheit.

Qoraalka ayay ku sheegeen in madaweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday uu ku guuldareystay in uu dalka doorasho gaadhsiiyo sidaa daraadeed in Soomaaliya xiligan wajaheyso xaalad halis ah.

Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliya
Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliya

Waxa kale oo ay ku eedeeyeen in uu waxyeeleeyey dadaal iyo daaacdnimo kasta oo ay muujiyeen saamileyda siyaasadda, iyaga oo tusaale u soo qaatay in uu ka soo kacay miiska wada-xaajoodka ee shirkii Dhuusamareeb 4 ee lagaga hadlayay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Shirkan Farmaajo uu ku baaqay ayay sheegeen in lagu soo beegay xilli beesha caalamka ay waddo dadaal la isugu keenayo dhinacyada Soomaaliya, si ay ugu shiraan garoonka diyaaradaha ee Aadana Cadde.

Sidoo kale, waxaa ay ku eedeeyeen madaxweyne Farmaajo uu ka waddo gudaha Soomaaliya xasilooni darro baahsan isaga oo ciidamo ku daabulaya gobolka Gedo, taasi oo ka hor-imaneysa, sida ay sheegeen, qodobadii ay soo jeediyeen guddigii farsamo ee ku shiray Baydhaba.

Madasha ayaa sidoo kale sheegtay in Farmaajo uu weli sii wado in uu ciidamada Qaranka Soomaaliya u adeegsado dano shaqsi, intii ay kala dagaalami lahaayeen kooxda Al-Shabaab.

Waxaa ay sheegeen in uu amray in ciidamada Haramcad ay la wareegaan ammaanka garoonka Aadan Cadde, taasi oo ay ku macneeyeen isku day lagu fashilinayo dadaallada beesha caalamka ee shirka halkaas ka dhacaya.

Madasha ayaa sheegtay in dhammaan qodobadaas, oo ay wehliyaan ficilladii dhacay 19-kii February ee lagu weeraray dibad-baxayaasha ay caddeynayaan in Farmaajo uu ku xadgudbayo awooddiisa.

Shirka uu habeen hore ku baaqay ayay ku tilmaameen in uu yahay mid la doonayo in lagu raaligaliyo dhinacyo dibadda ah, halka gudaha Soomaaliyana uu ka wado ficillo cabudhin ah, iyo hurinta xasarado abuuray inay ka aamin baxaan saamileyda siyaasadda.

“Waxaan xaqiijineynaa in Farmaajo aanu haysan wax aaminaad ah oo uu ku hoggaamin karo hanaan doorasho, uuna lumiyey awooddii iyo aaminaddii uu kulan isugu yeedhi karo. Waxa uu weli yahay caqaabadda hortaagan doorashooyin nabdoon, daah-furan oo loo dhan yahay,” ayaa lagu yihdi qoraalka.

Waxaa aad u adag ayay qoraalkooda ku yidhaaheen in wada-hadallo nabadeed la galo illaa Farmaajo lagula xisaabtamo ficilladii ceebta badnaa ee uu ku diiday inay doorasho dhacdo.

Madasha ayaa ku baaqay in si deg deg ah Farmaajo looga wareejiyo hoggaanka amniga Soomaaliya kahor inta aan kulan kale la qaban, iyada oo ciidanka lagu daabulay Gedo iyo garoonka Aadan Cadde ay caddeyn u yihiin in Farmaajo uu ka faa’iideysanayo muddo xileedkiisa dhammaaday.

Ugu danbeyntii Madasha ayaa ugu baaqday shir madaxeed ay u dhan yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya, waxayna ka codsadeen beesha caalamka inay si deg deg ah usoo faro-geliso xasaradaha siyaasadeed ee Soomaaliya. 

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.