Qaar kamid ah Dalalka Yurub oo lagaga Dhawaaqay Xayiraad hor leh

Paris (Aftahannews)- Inta badan dalalka Yurub ayaa waxa ay dib ugu laabteen xayiraadihii lagu xakamaynayay faafitaanka cudurka Covid-19, xilli mowjaddii saddexaad ee cudurkaasi halkaas laga diiwaangeliyay.

Afarta todobaad ee soo aaddan, ayaa qiyaastii 21 milyan oo qof oo Faransiis ah ayaa waxaa qasab ku ah inay caddeeyaan sababta ay doonayaan inay guryahooda uga soo baxaan.

Dalalka Poland iyo Faransiiska ayaa ku dhawaaqay xayiraad hor leh oo lagu xakameynayi cudurka xilli ay sare u kaceen kiisaska Covid-19.

Ku dhawaad 21 milyan oo qof oo ku nool 16 deegaan oo ka tirsan Faransiska oo ay kamid tahay caasimadda Paris ayaa waxaa si weyn u saameeyay cudurkan soo laba kacleeyay.

Dalka Poland waxaa muddo saddex toddobaad ah la xidhay goobaha dadweynaha ay isugu yimaadaan sida maqaayadaha, garoomada ciyaaraha iyo dukaamada.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.