Farmaajo oo mar kale shir isugu yeedhay Madaxweynayasha Dowad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir

Muqdisho (Aftahannews) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale shir isugu yeedhay madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayuu ugu baaqay madaxda dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir in ay isugu yimaadaan 22-ka Maarso 2021 shir looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Kulanka madaxweynuhu ku baaqay oo socon doona muddo labo cisho ayaa lagu sheegay in lagu soo gabagabeeyn doono talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee kol hore ka soo baxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal lagaga gaadhay tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay ixtiraamaan qoddobadii lagu heshiiyay magaalada Baydhabo.

Baaqa madaxweynaha ayaa imanaya xili loo madlanaa shir ay isugu yeedheen bulshada caalamka madaxda Soomaalida oo lagu wadday in uu ka dhaco xerada Xalane oo ay hadda ku sugan yihiin madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.