Kenya oo Malaayiin Doollar ku bixinaysa si ay u Mulkido Badda Soomaaliya

Maxkamada ICJ
Maxkamada ICJ

Nairobi (aftahannews):- Xilli kiiska muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya uu marayo meel xasaasi ah ayaa waxaa soo baxaysa qiimayn lagu samaynayo dhaqaalaha ku baxaya dacwadaasi.

Maxkamada ICJ
Maxkamada ICJ

Qareennada labada dhinac u doodaya ayaa la sheegay inay yihiin kuwa helaya faa’idada ugu badan ee dhaqaale.

Sida uu qoray wargayska Business Daily ee ka soo baxa dalka Kenya dowladda Kenya ayaa lacago malaayiin doollar ah ku bixisay kiiska muranka xuduudda dhanka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Wasaaradda maaliyadda ee dalka Kenya ayaa sida uu wargayska ka soo xigtay waxaa qareennada kiiskan u doodaya ay ku bixisay lacag dhan Ksh300 oo milyan oo shilinka Kenya ah taasi oo u dhiganta 3 milyan oo doolar.

Sida ku cad qiyaasta miisaaniyadda sanadkan dowladda Kenya ayaa kordhinaysa lacagaha dhanka sharciga oo imika ah 1.7 bilyan oo shilinka Kenya ah, waxaana sanadkan la gaarsiinayaa 2 bilyan oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta 20 milyan oo doolar.

Maxkamadda caalamiga ah ee (ICJ) ee fadhigeedu yahay Hague ayaa qaadaysa dacwad dhanka badda ah oo ay dowladda Soomaaliya u gudbisay 2014, ka dib markii ay guldareysteen wadaxaajood labada dhinac u dhaxeeyay.

“Waxaa la kordhiyay lacagaha dhanka sharciga ee lagu difaacayo calaamadeynta xuduudda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaa sidaasi lagu sheegay qiyaas miisaaniyadeed toddobaadkii aanu soo dhaafnay loo gudbiyay baarlamaanka Kenya.

Xukuumadda Nairobi ayaa muddo dheer ku adkaysanaysay in go’aanka xudduudda lagu salaynayo tii la jaangooyay xilligii gumaystaha ee dhanka bari.

Balse Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in xadka lagu salaynayo dhanka Koonfur bari iyada oo la eegayo xudduuda dhanka dhulka.

Kiisaska muranada ee la geeyo maxkamada caalamiga ah ee ICJ ayaa go’aan ka gaaristooda waxay qaadataa muddo sanado ah.

Muranka dhanka badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa saamayn ku yeeshay baaritaannada dhanka shidaalka iyo Gaaska ee laga samaynayay goobaha badda ee lagu muransan yahay.

Bishii February, Kenya ayaa dib ugu yeeratay safiirkii ka fadhiya Muqdisho ka dib markii sida la sheegay ay dowladda Soomaaliya “xaraashtay qaar ka mid ah buqcadihii lagu muransanaa”.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in maalmo ka hor shirkii London ay dowlada Soomaaliya u gudbisay walaaceeda ku aadan xaraashka.

Xigasho BBCSomali.com.