Maraykanka oo Soomaaliya ugu Baaqay in laga gudbo Khilaafka ujeedka gaaban oo doorasho la qabto

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Antony Bliken
Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Antony Bliken

Washington (aftahannews):- Bayaan Jimcihii maanta ka soo baxay Xoghayahay arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken, ayaa lagu sheegay in Mareykanku ka walaacsanyahay jahawareerka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, taas oo khatar ku ah amniga, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Antony Bliken
Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Antony Blinken

“Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Federalka iyo dowladaha xubnaha ka ah inay meel iska dhigaan ujeedooyinka gaaban ee siyaasadeed, ayna ilaaliyaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay oggolaadaan in si deg deg ah loo qabto doorasho daah furan oo loo dhanyahay” ayaa lagu ayuu Blinken ku yiri war- saxaafadeedkii uu maanta soo saaray.

“Caqabadaha taagan waxay dib u dhigayaan horumarkii la sameeya, wadada hadallada deyn cafinta ee ay Somalia ku socoto iyo la dagaallanka Argagixisada” ayuu sii raaciyay.

Blinken wuxuu bayaankiisa ku sheegay in Mareykanku taageersanyahay xuquuqda muwaaddiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin inay u mudaaharaadaan si nabad ah, ayna ay weyn uga soo horjeedaan koox kasta oo rabshado abuureysa.

“Waxaan ka codsaneynaa hoggaamiyaasha Soomaaliya inay ilaaliyaan mustaqbalka dalkooda, ayna gaaraan heshiis si deg deg ah loogu qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha” ayuu Blinken ku soo gaben-gabeeyay.

Xigasho VOASomali.com.