Dadka badbaaday way baahan yihiin!

Filibiin(Aftahannews):- Dadka ka badbaaday duufaantii ku dhufatay Filibiin, ayaa la sheegayaa inay aad ugu baahan yihiin cunto iyo biyo, si ay uga badbaadaan inay gaajo iyo harraad u dhintaan.

131112120647_tacloban_512x288_ap

131112132012_philippine__304x171_ap_nocredit\

131112111357_philippines_typhoon_512x288_reuters_nocredit

Waxaa la sheegayaa in haatan ay dadku galayaan meel kasta oo cunto ay ka heli karaan. Sideed ruux ayaa dhimatay iyadoo dadkii badbaaday qaarkood ay isku dayayeen inay cunto ka boobaan meel bakhaar ah.

Boqolaal ruux ayaa ku yaacay bakhaarkan ku yaalla meel dibedda ka ah magaalada Tacloban. Dadka dhintay waxaa ku soo dumay derbiga bakhaarkaas kaddib markii ay jiireen boqolaal ruux oo doonayay inay helaan waxay cunaan.

Mudanaha Aqalka Kongres-ka ee laga soo doorto degaankaas ayaa sheegay in nidaam darrada ka jirto magaalada ay caqabad ku tahay dadaallada lagu doonayo in gargaar lagu gaarsiiyo dadka. Martin Romualdez ayaa sheegay in degaannada ku wareegsan magaalada Tacloban ay haatan noqdeen kuwa gebi ahaanba dhulka la siman.

Khasaaraha dhabta ah:

Weli waxaan si cad loo xadidin khasaaraha ka dhashay duufaantan dhowr maalmood ka hor ku dhufatay Filibiin.

Madaxweynaha dalkaas, Benigno Aquino, ayaa sheegay in dowaladiisa ay weli isku dayayso in ay xadiddo tirada dadka ku dhintay duufaanta Haiyan. Waxa uu sheegay in tirada hordhaca ahayd ee tobanka kun oo ruux ay tahay mid aad u sarayso.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.