Weerar Dad lagu laayay oo ka dhacay Gobolka Georgia ee dalka Mareykanka

Georgia (Aftahannews)- Sideed qof oo u badnaa haween asal ahaan ka soo jeeday Asia ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday sadex goobood oo oo ku yaaal gobolka Georgia ee dalka Mareykanka sida ay xaqiijiyeen hey’adaha amniga ee gobolkaas.

Toogashadan ayaa imaaneysaa maalmo yar kahor markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu cambaareeyay kororka dambiyada naceybka ah ee ka dhan ah dadka Americanka ah ee asal ahaan ka soo jeeda Asia.

Kooxaha u dood xuquuqda madaniga ah ayaa sheegay in kororka naceykan uu qeyb weyn ka qaatay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump , maadaama uu si joogta ah cudurka Coronavirus ugu yeedhi jiray China Virus.

Booliska ayaa sheegay in qabtay Robert Aaron Long oo 21-jir ah oo ku eedeysan dilka dadkan, waxayna sheegeen in kasta oo ayna hayn xog ku saabsan ujeedada dilkan, hadana ay baadhi doonaan.

“Qaab kasta oo aan ku heli karno caddeymaha iyo ujeedada dhacdadan ayaan sameyneynaa, baadhayaashuna waa tagayaan meel kasta” ayuu yidhi Jay Baker oo ah kabtan ka tirsan waaxda Sheffirka ee ciidanka Booliska.

Afhayeen u hadley hey’adda dambi baadhista ee FBI ayaa sheegay inay caawin doonaan booliska Atlanta, waxaana boolisku ay sheegeen inay xoojin doonaan goobaha laga yaabo inay ka dhacaan weerarada nuucan ah.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.