Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo sheegay in la kala qeybinaayo ciidanka xooga Soomaaliya

Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Muqdisho (Aftahannews) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu si adag uga digay in lakala qeybiyo ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo uu sheegay in loo kala qeybinaayo kuwa daacad u ah Madaxweyne Farmaajo iyo kuwa laga shakisan yahay.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale sheegay in xog uu ku helay kala qeybinta ciidamada xooga dalka, waxuuna arintaasi si gaar ah ugu eedeyay Taliyaha ciidanka Xooga Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Lugta Jenaraal Biixi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Cabdiraxmaan Cabdishakuur

“Ciidanka lagu tuhunsan yahay in aysan daacadda aheyn ayaa loo dirayaa furamaha dagaalka ee kooxaha argagexisada, halka kuwa la hubiyey daacadnimadooda loo diyaarinayo boobka doorashooyinka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiinta mucaaradka” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku daray “waxaan uga digeynaa taliyaha ciidanka xooga dalka aanu sabab u noqon buburka ciidanka farahana kala baxo ku milanka Siyaasadda iyo dambiyada la doonayo in dusha laga saaro”.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.