Deegaannada Al-Shabaab Maamusho ee Soomaaliya oo lagu soo Warramayaa in Dad ugu Dhinteen Cudurka Covid-19

Al-shabaab

Muqdisho (Aftahannews) – Deegaannada ay ka talinayaan ururka Al-shabab ayaa lagu soo waramayaa in ay dad badani ugu geeriyoonayaan cudurka Covid-19, xilli degaanadaasi aanay ka jirin xarumo caafimaad oo lagula tacaalo dadka qaba Covid19.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in meelo ka tirsan gobolada Shabeellooyinka iyo Jubbooyinka ay ka jirto xaalad culus oo cudurka Coronavirus ah.Sidoo kale, magaalada Ceel buur ee gobolka Galgaduud waxaa la sheegay in dad ku dhow 1o qof ay ugu geeriyoodeen cudurka Covid-19.

Al-shabaab ayaa maalmo ka hor soo saaray farriimo wacyi galin ah oo ay dadka ku siinayeen talooyin ku aadan sida la iskaga ilaalin karo Covid-19.

Al-shabaab
Al-shabaab

Deegaannada ay maamusho Al-shabaab lagama ogola qalabka af-saabka, (Facemask) waxayna dadka u sheegeen in ay isticmaalaan maryahooda in ay afka ku duubtaan iyo in ay badiyaan fara dhaqashada.

Inkastoo Al-shabaab aad u ilaaliyaan xogta cudurka, hadana waxaa jira dad qaba oo caafimaad u soo raadsada dhulka ay dowladda ka taliso sida magaalooyinka laga heli karo adeegga Covid-19.

Sanadkii hore, wakaalado caalami ah ayaa qoray in saraakiil Al-shabaab ah ay u geeriyoodeen cudurka Covid-19, taasoo markii dambe keentay in ay Al-shabaab si dhab ah u qaataan qatarka cudurka.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.