Qoor Qoor oo kulamo kala duwan ka wada magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug iyo Midowga Murrashaxiinta
Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug iyo Midowga Murrashaxiinta

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo maalintii shalay soo gaadhay magaalada Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la yeeshay qeybaha kala duwan ee siyaasadda Soomaaliya iyo wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya.

Qoor Qoor ayaa xalay qaabilay xubno ka tirsan midowga Musharixiinta Soomaaliya ee sida weyn uga soo horjeeda siyaasadda madaxtooyada Soomaaliya ay ku wajaheyso doorashada, waxaana kulankaa ka horeeyay mid uu la yeeshay wakiilka gaar ah ee Qarramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug iyo Midowga Murrashaxiinta
Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug iyo Midowga Murrashaxiinta

Kulmadan ayaa qeyb ka ah wada hadallada loogu gogol xaadhayo shirka dhawaan la filayo in ay yeeshaan madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ay gadhwadeen ka tahay beesha caalamka.

Midowga musharixiinta ayaa hore sidan oo kale shirar kala duwan ula yeeshay madaxda dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland oo ku sugan magaalada Muqdisho,

Shirka ay bulshasda caalamku ku baaqeen ayaan wali la ogeyn xiliga uu furmayo, waxaana jira sida warar hoose oo soo baxaya sheegaya in madaxda qaar ka cagajiidayaan ka qeybgalka shirka.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya