UK oo Soomaaliya ku dartay Dalalka ay ka Mamnuucday Dalkeeda

London (Aftahannews)- Dowladda UK ayaa liiska wadamada aan dadkooda loo ogoleyn in ay u soo safraan Boqortooyada UK ku dartay dalalka Itoobiya, Oman, Soomaaliya iyo Qatar sababo la xidhiidha faafitaanka cudurka Covid 19.

Laakiin dadka iyagu haysta Baasaboorada Ingiriiska ama Irish-ka ee ka soo jeeda wadamadan ayaa la sheegay in xayiraada laga qafiifin doono, iyaga oo muddo 10 maalmood ah karantiil ku ahaanaya Hotel ay dowladdu ansixisay ilaa laga ogaanayo xaaladooda caafimaad.

Mamnuucidan oo dhaqan galin doonta Jimcaha galin danbe ee toddobaadkan ayay UK ku sheegtay in ay uga gonleedahay in lagaga hortagayo faafitaanka nooca cusub ee cudurka Covid 19 ka.

Laakiin liiskan ayay Britain ka saartay wadamada Portugal iyo Mauritius.

Baritain ayaa ka mid ah dalalka uu faraha ba’an ku hayo cudurkan saf marka ah ee Covid 19 oo hadda u muuqda in uu sameynayo labo kacleyn hor leh.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.