Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho soo gaadhay

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor

Muqdisho (Aftahannews) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo toddobaadyadii ugu danbeeyay safar shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Imashaha madaxweynaha Galmudug ayaa xili uu maalmo dib u dhacay shir ay bulshada caalamka gadhwadeen ka tahay oo la filayo in uu dhaxmaro madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Hasse ahaatee shirkan ayaa u xayirnaa maqnaasha qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada oo uu ka mid ahaa madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor

Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo dhaawan wareysi siiyay warbaahinta ayaa sheegay in Galmudug ka qeybgali doonto oo kaliya shir ay hoggaankiisa leedahay dowladda Soomaaliya, isaga oo intaa ku darray in dhankooda ayna ka warqabin shir ay hoggaaminayaan beesha caalamka oo ka dhacaya Xalane.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen oo hadda dalka uga maqan safar dibadda ah ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu soo gaadho magaalada Muqdisho.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.