Somaliland oo uu soo gaadhayTallaalka Covid-19

Tallaalka Covid-19 ee Somaliland soo gaadhay
Tallaalka Covid-19 ee Somaliland soo gaadhay

Hargeysa (Aftahannews) – Waxaa maanta gelinkii dambe garoonka diyaaradaha ee magaaladda Hargeysa ee caasimada Somaliland ka soo degtay diyaaradii siday tallaalka xanuunka Covid-19.

Tallaalkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee noocciisa ah ee soo gaadha Somaliland ayaa ah COVAX.

Waxaa talaalkan Covid-19 la wareegay masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka Somaliland oo uu horkacayo wasiirka wasaaradaasi.

Tallaalka Covid-19 ee Somaliland soo gaadhay
Tallaalka Covid-19 ee Somaliland soo gaadhay

Wasaarada caafímaadka ayaa sheegtay in tallaalkan la siin doono dadka shaqaalaha ah ee safka hore kaga jira la dagaalanka COVID19 kuwaasi oo kala bahda Caafimaadka, Ciidanka Socdaalka, Ciidanka Booliska iyo shaqaalaha cashuuraha ururiya, kuwaas oo inta badan la kulma dad farabadan.

Somaliland ayaa ka mid ah meelaha uu aadka ugu faafayo cudurka Covid-19, waxaana aad u hooseeya heerka wacyi galinta bulshada.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.