Madaxweyne Farmaajo oo qaatay tallaalka Covid-19

Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Aftahannews) – Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaatay tallaalka cudurka safmarka ah ee Covid 19 oo qeybtiisii ugu horreysay maalintii shalay la keenay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, tallaalka ayaa waxaa qaadatay Wasiirka Wasaarradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya marwo Fowsiyo Abiikar Nuur.

War ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lag yidhi”  Madaxweynaha ayaa xoojiyay walwalka ku aaddan in ay yartahay feejignaanta shacabka Soomaaliyeed ee cudurkan iyo halistiisa sii kordheysa, iyadoo la fududeysanayo talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabkeenna.

Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Farmaajo

“Mas’uuliyad adag ayaa inaga saaran daryeelka muwaadiniinteenna si aan uga hortagno in uu soo rito cudurkan safmarka ah ee dunida aafeeyey. Muhiimadda ugu weyn waa in aan dadaal kasta gelinnaa ka hortagga cudurkan innaga oo xoojineyna tayada iyo adeegyadeenna caafimaad.”

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Caafimaad XFS, dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha, Adeegayaasha iyo guud ahaan Bahda Caafimaadka dalkeenna dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ku shaqeynaya duruufo adag.

Ugu danbeyntii Xukuumadda uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayuu ku amaanay dadaalka ay ku bixisay in tallaalka Cudurka COVID-19 uu soo gaadho Soomaaliya ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn xooggan ee ka dhaxeysa Guddiga heer Federaal ee Xakameynta Cudurka COVID-19 iyo Guddiyada heer Dowlad Goboleed, taas oo aasaas u ah daadejinta adeegyada cafimaad ee lagu wajahayo cudurkan safmarka ah.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya