Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo laga helay Covid-19, Baaqna Diray

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylic), ayaa caawa Bartiisa Twitter-ka ku baahiyey inuu dhawrkii maalmood ee u dambaysay la tacaalayey cudur-dhaliyaha Covid-19, oo ku dhacay.

Madaxweyne Ku-xigeenku qoraalka uu ku baahiyey Bartiisa Twitter-ka, waxa uu ku yidhi sidan:- “Waxaan shacbiga Somaliland la socodsiinayaa in aan la tacaalayay saddexdii cisho ee u danbeysay Xanuunka COVID-19, bulshada waxaan ku boorrinayaa in ay raacaan tilmaamaha Wasaaradda Caafimaadka, aniga iyo inta xanuusanna noo soo duceeyaan.”

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Cabdiiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylic)
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Cabdiiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylic)

Xanuunkan oo Qofkii ugu horreeyey dowladda Somaliland sheegtay in laga helay Bishii Maarso ee 2020-kii, isla markaana Dad ku dhaw boqol u dhinteen, in badanna soo ritay, ayey sannadkii hore Xubno golaha Wasiirrada ka tirsani sheegeen inuu ku dhacay oo laga helay Sadhadan sida xawliga ah u fidaysa ee Dunida saamaysay.

Hase yeeshee, Waxa uu Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiiraxmaan Ismaaciil Saylic, noqonayaa Masuulkii ugu sarreeyey ee sheega inuu ku dhacay Covid-19.

Sadhadan sida xawliga ah dunida ugu faaftay ee Covid-19, ayaa dhammaadka 2019-kii ka bilaabantay Dalka Shiinaha, waxaanu saameeyey Waddamada dunida oo idil oo uu ku dilay dad Malaayiin Qof, balse, waxa uu dib uga qarxay dalal badan oo caalamka ah oo ay Somalilandna ka mid tahay, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.