Wararkii ugu danbeeyay dhageysiga dacwadda Badda ee Maxkamadda ICJ

Maxkamada ICJ
Maxkamada ICJ

Hague (Aftahannews)- Muddo dheer oo ay soo jiitameysay dacwadda Badda ee ka dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo Kenya waxay hadda u muuqata mid la soo gaadhay heerkeedii gabagabada, iyadoo ugu danbeyntiina loo xukumi doono labada dal midkood.

Waxaa maanta ka bilaawday gudaha Maxkamada dhageysiga dacwadda iyadoo ay ka maqnaayeen wakiillada Kenya oo sheegtay in ay dib uga baxday ka qeybgalka dhageysiga dacwaddan, laakiin Garsooreyaasha ayaa hadda dhageysanaya Qareennada difaacaya Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa u aragta ka bixitaanka Kenya ee dhageysiga dacwaddan mid muujineysa in xiliggan dowladda Kenya heynin wax ay ku dooddo, inkastoo Kenya dhinaceeda ay soo bandhigtay qoddobo dhowr ah oo ay u cuskaday cudurdaarkeeda ka bixitaanka ka qeybgalka doodda arintan ku saabsan.

Maxkamada ICJ
Maxkamada ICJ

Dhowr jeer oo hore ayaa la aqbalay codsi ka yimid dhinaca Kenya laakiin maxkamada ayaa ku gacanseyrtay codsigii ugu danbeeyay, waan tan keentay in maanta Kiiskan loo fariisto xili ay meesha ka baqan yihiin wakiiladii Kenya.

Dadka Soomaalida oo arintan siyaabo kala duwan uga hadlay ayaa sheegay in ay rajo badan ka qabaan natiijada ugu danbeysa ee go’aan ka gaadhistan muranka labada dowladdood ee salka ku haya xudduud Baddeedka lesyku hayo

Muddo 10 sano ah ayay arintanni ahayd boogta khilaafka wajiyada badan yeeshay ee labada dowladdood Soomaaliya iyo Kenya, ilaa dowladda Soomaaliya markii danbe ku eedeysay Kenya ay faragalin qaawan ku heyso madax-bannaanideeda.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.