Dowladda Taiwan oo soo dhaweysay Wakiilka ee Imaraatku u soo Magacaabay Somaliland

Hargeysa (Aftahannews) – Wakiilka Taiwan u fadhiya Somaliland Allen C. Lou ayaa soo dhaweeyay Wakiilka Imaraat ku u soo magacabay Somaliland.

Wakiilka Taiwan ayaa qoraal uu ku qoray bogiisa Twitter ka ku bogaadiyay dawladda Imaraatka Carabta.

“Waan ku faraxsanahay in saaxibo badan oo aanu isku fikir iyo xulufo nahay ay la shaqaynayaan jamhuuriyada Somaliland” ayuu yidhi wakiilka Taiwan.

Dowladda Taiwan ayaa ahayd dalkii ugu danbeeyay ee wakiil u soo magacaaba Somaliland.

Sidoo kale, waxaa iyana la filayaa in dowlada Kenya ay iyaduna furato xafiis keeda Hargeysa badhtamaha sanadkan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.