Al-shabaab oo Askariyeynaysa Maxaabiistii ay ka furteen Xabsiga Boosaaso

Al-shabaab

Boosaaso (Aftahannews) – Kooxda Al-shabab ayaa bilowday in ay sii daayaan wareysiyo taxanne oo ay ka qaadeen maxaabiistii ay kusoo furteen weerarkii xabsiga magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland.

Wareysiyada laga qaaday maxaabiista oo ah kuwa maqal ah, ayaa maxaabiista oo sheeganaya in ay yihiin dad shacab ah waxay qaar kamid ah ku sheegayaan in ay ku biireen Al-shabaab.

Al-shabaab
Al-shabaab

Illaa iyo hadda waxay sii daayeen laba wareysi oo ay ka qaadeen laba maxbuus oo ku sheegeen in ay kasoo kala jeedaan gobolka Sanaag iyo magaalada Harar ee dalka Ethiopia.

Al-shabaab waxay sheegeen in ay gacanta ku hayaan boqolaal maxaabiis ah oo siyaabo kala duwan ugu xidhnaa xabsiga Boosaaso, kuwaas oo ay sheegeen in ay macluumaadkooda sii dayndoonaan.

Wararku waxay sheegayaan in Al-shabaab uu qorshahooda yahay in ay maxaabiista ay gacanta ku hayaan askareeyaan, si ay ugu xoojiyaan awoodooda.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Boosaaso/Puntland.