Tallaalka Covid-19 oo Soomaaliya la soo gaadhsiiyay

Tallaalka Covid-19 ee Soomaaliya la soo gaadhsiiyay
Tallaalka Covid-19 ee Soomaaliya la soo gaadhsiiyay

Muqdisho (Aftahannews) – Waxaa saaka magaalada Muqdisho ka degtay diyaarad siday tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19 ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ay horkaceyso wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa garoonka ku guddoomay shixnadda tallaalka ah.

Tallaalka wuxuu gaadhayaa ilaa 300,000 oo ah nooca Oxford-AstraZeneca si loo gaadhsiiyo boqolkiiba 20 dadka ku nool Soomaaliya.

Tallaalka Covid-19 ee Soomaaliya la soo gaadhsiiyay
Tallaalka Covid-19 ee Soomaaliya la soo gaadhsiiyay

Waxaana tallaalkan la siin doono, howlwadeenada caafimaadka ee ka howlgala cisbitaallada Booliska, dadka da’da ah iyo dadka la daala-dhacaya xanuunada kala duwan.

Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka ka faa’ideysanaya barnaamijka Covax ay gadhwadeenka ka tahay Qaramada Midoobey ee tallaalka Covid-19 lagu gaadhsiinayo waddamada saboolka ah.

Berri ayaa la filayaa in la tallaalo dadka ugu horeeya oo ay kamid noqon doonaan shaqaallaha caafimaadka, dadka meelaha laga soo galo Soomaaliya ka shaqeeya iyo booliska.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.