Geerida uu Sababayo Covid-19 oo Joogto Ka Noqday Somaliland

Hargeysa (Aftahannews) – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay in Xanuunka Covid_19 uu meel halis ah ka marayo dalka, isla-markaana ay kordhayaan Dadka u dhimanaya iyo kuwo soo ridanayaa.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Cumar Cabdillaahi Bade oo shalay ka hadlayey kulanka Xaaladaha Deg-degga ah ee Wasaaradda Caafimaadka, ayaa sheegay in saddexdii Maalmood ee  dambeeyay uu Xanuunku dalka ku dilay saddex qof, tirada dadka uu soo ridanayaana soo kordhayso.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Waxa Marag ma doon ah in Xanuunku uu aad u kacayo, Dadka uu Xanuunkaasi helayaana ay kordhayaan, sidoo kale dhimashadu ay intii hore ka badan tahay Shalay oo keliya waxa xanuunka u dhintay saddex Qof, dhimashadu sidii hore maaha ee waa joogto, xanuunkuna aad buu u fidayaa.”

Wasiir Cumar waxa uu farriin u diray Bulshada reer Somaliland “Bulshada waxaan u sheegayaa in waxa ugu wanaagsan yihiin in Tilmaamaha Wasaaradda Caafimaadka la raaco oo qofku uu Caafimaadkiisa ilaashado, inuu qofku afka xidho, Gacmahana ku dedaalo nadaafaddooda, intii suurto-gal ahna la kala fogaado.”

Dhinaca kale, Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Foosiya Abuukar Nuur oo Shalay Warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in 48-kii Saacadood ee u dambeeyay xanuunka laga helay 126 Qof, kuwaasi oo ay sheegtay inay 65 ka mid ahi ku sugan yihiin Somaliland, inkasta oo aanay caddaynin halka ay xogtaasi ka keeneen.

 

Aftahannews.com/Hargeisa Office